TAARIIKHDA NOLASHAYDA

Waxaan ku dhashay Magaalada Dhusa-mareeb oo ah magaala madaxda Gobolka Galguduud, Markay taariikdu ahayd 13/1/1966 ,.Waxaan ku soo barbaaray magaalada aan kor ku soo xusay ,iyadda aay waxku soo bartay,waxaan ka soo shaqeeyey iyada mudo gaaban markaan dhamaystay dugsigii sare , ka dib waxaan ku wareegay magaala madaxda dalka Muqdishu, waxaan ka bilaab shaqo Hayàdda Qaxootiga (ELU/CARE-UNHCR)1982 waxaan joogay xarunta , ilaa aan iskay uga tegay sandkii 1987. Waxaan kale oo islamarkiiba shaq ka bilaabay Hayàdda Samafalka ee (AFRICARE-USAID),waxaan kala soo shaqeeyey meelo fara badan oo dalka ka mid ah Mashaariic midba magac lahaa ugu dambeyntii waxaay ka shaqaynayeen goblka bari gaar ahaan magaalada Qardho. waxaan ku noolaha hadda wadanka daanishka oo aan ku joogo qaxootinimo. waxaan soo maray tahriib aad u dheer aadna u dhib badnaa waxaan soo kala maray wadamada kala Saudi arabia .Sudaan , Suuriya ,Masar. Raashiya (qarashooo iyo Balaqoo) waxaan soo galay Danmark 1.3.94. waxaan deganahay hadda magaalada Århus , waxaan hadda wax ka bartaa .Århus Bussines College.

1