Sharciga kowaad Ku dhaqan run : Waxaan qabaa anigu in ay tahay runtu mida kaliya ee qofku kula dhaqmi karo qofxun iyo qof wanaagsan sidaa darteed waxaan u arkaa in ay noqon karto sharciga koowaad ee isbarashada xalaasha ah.BEENI RAAD MALEH AAHAA HAA DHEELALAW RUNMOODEE.(waa aragtideyda ) by Bidaar . |
||||
Sharciga labaad(2) Wax gooniya ha u baran , : Marna ha ku tala gelin in aad u barato qof in aad dantaada ku fushatid oo kaliya ee u baro in aad gaartid heer aad ku kalsoonaatid hana ka fiirin waxa aad taqaano oo kaliya in uu yaqano ama uu u dhaqmo sida adigu aad jeceshahay, mara aad gaarid sababtii aad u baratay soo noqon meeyso inaad qofkii aad isbaraten inaad tuurid si aad u tuurtid soo noqon meeyso inaad xumeeysid. Haddaba barashad noocaas ihi waxay dhasay dhib ee ha u baran cidna arin gooni ah ee raadi isbarasho xalaal ah ee aan kala dhimanayn.by Qase. |
||||
Sharciga Seddexaad (3) Kala saar saaxiib iyo Isbarsho : Waxa aad la isugu qaldaa arimo badan oo aan dadku u kal fiirsan, tusaale: saaxiib iyo macrifo( Isbarsho) haddii aad fiiriso waa arimo aad u kal fog haddana waa la isku qaldaa laakiin midba mid buu ka sogeeyaa oo waayo qof aan aqaano ilaa xad iyo qof aan saaxiib nahay ayaan u kala arkaa sidda aan ugu kala arko walaalkeey iyo saaxiibkay sida aanu kal arko walaakeey iyo ilmahayga ama ninkeyga .Haddab haddi aynu sidaa u garano xaajada ama ugu kal dhaqano waxa soo bixi lahayd in ay noqoto mid la tix galiyeey isbarashadii qiimaheedii waayo waa kaaga duwan yahay qof aad taqaano midka aadan aqoon. by Maryan. |
||||
Sharciga Afaraad (4) Rag Iyo Dumar u kala Qaad : waxaan anigu qabaa in aan u kala qaano rag iyo dumar waayo mid waliba waxa ay leedahay hab iyo maamuus u gooniya oo ay u sii waartao isbarashadaasi, Tusaale: ragu waxa uu isu bartaa in ay wax kala kororsadaan aduun iyo aakhiro anfaca,waa wax laga dareemo haddiiba labada isbaratay, Haddiise ay timaado isbarashada xagga dumarka dhaqan ahaan waa ay adagtahay si ay u noqoto mid bandhigsan marka ay idin dhexmarto isbarshadaasi adiga iyo gabar soomaaliyeed, anigu ma ka hadlayo isbarahada aan ku dhisnayn dhaqan soomaaliga ee iska yeelyeelka ah, haddaba qariskaas ayaa keena in ay yihiin laba kala fog, ma laba kala u jeedo ah ee isbarasho. Mida dumarka dhex marta ruuxeedu waa mid iydauna leh xeerar u gaara sidaa darteed ha loo kala tix galiyo sida ay kala yihiin iyo sida ay ku kala qurxoon yihiin oo ah in aan tixgelino waxa aanu caado u leenahay, haddii aanu nahay Soomaali: by Daahir H. A |
||||
Sharciga shanaad (5) Barasho dad waan nacay : waayo waa la is dafiray nin waliba waxa uu noqday wax uusan ahaan jirin sidii arimi u qasantay dalka oo dhan ayey wax walbana u qasmeen ee hadal ku jar intaas. by cabdisalaan Jaaluut |
||||
sHARCIGA lIXAAD |
||||
Marwadeyda Waxaan jecelahay in aan wax ka qoro Barshadii iyo Jecaylkii ina dhexmaray aniga Maarwadeyda Caasha kayf, waxaan door bidayaa in aan dib u dhigto si aan u soo raadiyo document iga dhiman si aan idiin siiyo kalsooni buuxda markaad aragtaan sida ay qisadu u dhacday una rumooday casrigan yaabka leh iyo marxaladan adag ee dabeecadu keentay , |