Qofkasta oo aan lahayn ujeedo carqaladeed waa dood u furan oo fadhiya Goobta dooda.
(1) Maxaa keenay in ummadda soomaaliyeed oo ku nool gobalkan Århus ay qiimihii ay mudnayeen ay ka waayaan bulshada ay ku dhexnool yihiin oo nooc walba isugu jirta?
(2) Ma jirtaa sabab macquula oo ay ku weykaraan waxa ay qiimo iyo qaayo mudan yihiin, culumo iyo caamo, ciroole iyo caruur, Marwo iyo mudanaha ay ka kooban tahay ummdda soomaaliyeed ee gobolka Århus ku nooli?
(3) Xal waara ma loo heli karaa oo looga baxo dhibaato bulshadeedka haysta Ummadda Soomaaliyeed ee Gobolkan Århus ku nool?
(4) Xushmo iyo kala dambeyn waa saldhiga dhaqanka ummadda soomaaliyeed, bulshada gobolkan Århus nool ma u yahay isixtiraam iyo isqaderini dhaqan?
(5) Ma haboontahay in aan laga indha qabsan khatarta ay leedahay hadda iyo tan ay u sii gogol xaareeyso mustaqbalka ?
### HARUUP DAATA WAA LA DABA QABTAA ###
### DAMEER CEEL KAAGA DHACA KOOYNA WAA LAGU DAYAA ###
### CEESAAN WALIBA SHILANKAY IS DHIGTAA LAGU SHIILAA ###
Haddii aan idinku maahmaahyo xumaado iga raali ahaada haddiise aad isleedahay waxbaad dhaantaa .....Bidaar@hotmail.com...igu soo dir.
Waxa aan ku bilaabeynaa su`aalo aad u qiima badan oo la soo jeediyey.