Dabaaldegga 1da
Luuliyo
26ka juun
& 1da Luuliyo waa maalmo aad & aad qiimo weyn u leh umadda soomaaliyeed,
waa markii ay umadda soomaaliyeed ay ka hoos baxeen gacantii gumaysiga
ee foolxumayd, hantiyeena gobonimo buuxda.
Hadaba
waxaa maanta foolxumo ah in gobanimadaas ay noqotau hal bacaad lagu lisay.
Haddii aan dib u eegno 39kii sano ay soomaalidu xornimada heysatay, waxa
ay soomalidu gaadhay meel aysan waligeed gaadhi doonin. waana 30kii sanadood
ee ugu horeysay, waayo mar uun hadii calan soomaaliyeed uu ka dul lulmanayey
madaxweyne, wasiiro & waliba safiirada soomaaliya u fadhiyey wadamada
shisheeye. Marka ay la kulmayaan madaxda aduunka kale iyaga oo sharfaya
calanka & qaranimada sharafta lahaa ee soomaliyeed.
Hadaba
wax walba isku soo duubduub waxaa maanta ay mareysaa in jamhado ama ururu
gabonimo doon ahaa markii ay soomaalidu aheyd gudoomiyaha ururka OAU,
oo ay soomalidu caawin jirtay amaba madaxdii
ururadaas gobonimo doonka ahaa ay ku safri jireen Somali
diplomacy Pasport ay maanta soomaalida kala
siinayaan hub oo ay isku dirayaan. Haddii aan nimankaas idiin sheegana
waa madaxweynayaasha Itoobiya & Ireteriya.
Hadba
maxaa soomaalida la gudboon maantadan aan joogno?
waxaa
la gudboon in Soomaalidu ay isku dayaan sidii ay midnimadoodii & sharaftoodii
ay ku lahayeen aduunweynaha u soo ceshan lahaayeen
Gureey Calijiir
10.06.99
-