Guun-dhabe
Gudcur dam ah habayn soo galiyo xilliga oo gaabtay
Dayaxoo gabaabsiyoo godkii cidhifka gaadhsiiyey
Gor-gor duulay geedkii ka kacay oo hawadan guureeyey
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira
Tol-Allow iyana wuxuu gocan yaa I garansiiya?
Gucumaale aaroo wax badan gaajo miranaysay
Oo gaaroodi qiiqdiyo fadhiyay guban abaareedka
Oo goodir iyo cawl heloo guudka kaga booday
Oon goosan hilibkeed oon micida saarin
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan iyana yaa I garansiiya?
Gu'ga oo barwaaqa dhulkoo ubax ku gowriiro
Gudgudaale rooboo da'oo geyiga saameeyey
Geedahoo magooloo caleen guudka sare buuxdo
Ooy gamashu xooluhu yihiin gorofna loo qaadin
Geelii inuu rimo la rabay gaaniddii oloshay
Awrka guuxa diidee haddan goonidow baxay
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan ratigu yaa I garansiiya
Nin dadiisu lixdan gaadhayoon guursan waligiisna
Guunyana aan waayine Illaah gacantanoow buuxshay
Caafimaadna geestii kastaba Guulle ugu deeqay
Gabdhahan aan u haasaawe tagin gaabsi iyo guurba
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan ninkaasi yaa I garansiiya?
Afartaasi waa gogol dhiggii horiyo guudmarkii hore dheh
Galawgiyo shimbirhii ciyiyo geeli rimi diiday
Gorgorkii habaynimo kacee guura bahaleeyey
Libaaxaan ugaadhuu gambiyey goosan hilibkeeda
Awrkii guuxa diidiyo ninkii guurso laga waayey
Isu gee dhammaantood illayn waa go'aan qudhahe
Murtidaan gagaabee go'iyo gibilka aan saaray
Gedda kale haddii aan u rogo gabi ahaanteedba
Waxaan uga golleeyahay haddaan idin garwaaqsiiyo
Aduunyadii gariir baa ka dhacay goob la joogabae
Gantaal iyo waxaa laysku ridi gummucyo waaweyne
Gaarruumo xoog badan haddii laysla wada gaadi
Ooy nabadii geed sare kortooy gaabatooy oroday
War saw galawgii foodhyaayey iyo gogol dhiggii maaha
Shir gadaaman goortii la furay dunidan guudkeeda
Garwadeenadoo idil markii foodda lays galiyey
Garyaqaan xaqiisii maqnaa gacanta muu taago
Annaa kaa gu' wayn ee adigu gaabi hadalkaaga
Go'aankayga soo raac adoon boggan garaadkaaga
Godobtaada kaa maqan marnaba ha galiilyoonin
Waa waxa adduunyadan gubayeey lana galoofooday
War saw geeli rimi diiday iyo gogol dhiggii maaha
Gardarada cadaanka ah haddii guudka loo fidhayo
Geesigii itaal daran haddaan garab la siinaynin
Isaguna hubkiisii gurtoo gummuca soofaysto
Oo kii xaqiisii ganbiyey gawrac ugu jiido
Ooy nabadii geed sare kortooy gaabatooy orodo
Gorgorkii habaynimo kacee guuray soow maaha
Gefka labada kaan geline denbiga lagu ganaaxaayo
Midkii nabarka geystayna dacwada lagu garsiinaayo
Gafuurada xaqaa laga xidhxidhay ganac dilaaciisu
Labaaxaan ugaadhuu gambiyey goosan sow maha
Gar madoobe buuxsamay abwaan garasho loo uumay
Aqoon yahay gun iyo baar cilmiga goostay midhihiisa
Oo loo gardaadiyey sharciga geedi gelintiisa
Xilkii uu gaban gaabsadee gudan lahaa tiisa
Guri joog gamboodhlay la yidhi geeya waa amare
Oo guud cadaagii xukumi garina deeqaynin
Ninkii guursan waayiyo war sow gogol dhigii maaha
Gudban dhereran geesaha lammaan lagama guuraanta
Googaale hadal waa ku gan eh gannaf dadkii haysa
Gacan miratay guffan tirasheed dufan ku geyn-geynka
God ku rido gadaal hawgu dhugan galabsayaa mooyi
Gartooxsiga giriirixa wajiga kuu gilgili booto
Annaa golosa geenyada annaa saaran guradeeda
Wuxuu Guulaheen xarrimaan diinta soo galine
Gabdho iyo rag way siman yihiin guul aan siday weeye
Gacan saydhka culimadii la timid iyo gumaadkeeda
Godad loo qarqooriyo markuu iilka wada geeyey
Cuqubada galshada buuxisee gayiga saamaysay
Guulaamadii soo kacdiyo galowgii eedaamay
Mar uunbay gadoodkeedu iman guluf colaadeede
Guuldarooyinkaa rimani marbay geli shinkoodiiye
Gidhgidhahan istaamayi marbuu gaari qarixiiye
Marbuu gaanka qaayibani nafluhu googan kaligiise
Geedada balaadhani marbay golongol dhuubnaane
Guryo dabaq ah kii lihi marbuu geed dugaashaniye
Ninkii godob lahaan jiray marbay goosan aanaduye
Geenyada marbuu fuulayaa guba ka sii dara
Gacalkiyo xigaaladu marbay kala goaayaane
Gaajiyo marbaa loo dhammaan gummuc rasaaseede
England gaalka joogaa marbuu soo gurmanayaaye
Markay gaadho heer gobanimadu gebi qarkii fuusho
Oo gacan ka hadalkii wadkuna guduntu ay daasho
Oo galabsigoodii abaal loogu gudo fool xun
Markaasaa galaydh Awliyaad Guulle soo diriye
Gacan malaa'igeed baa la marin gocosho kii qabaye
Gudgudaale nabadaa di'yoo geyiga saamayne
Markaasay karaamadeenii gurnayd gebi ka weynaane
Haybadeenii gaasirantay baa gaan u buuxsamiye
Geyi hodana buu noqon kolkaa geeska aan nahaye
Geeridu ninkay dayso ee gaadha mirihiisa
Ee uu guulahay ku simo garasho faalooye