GABAYO HALXIDHAALE AH
Cirka hadaan madaxiisa iyo meetan ka xisaabsho
Xageebaa dawaarku u maraa falaga meeraaya
Madhadii xageebay tohoo ma'a taqaaniin dheh
Ayaanta iyo manaasiisha iyo magac siyaariinta
Midba siday mid ugu waafaqaan ma'a taqaaniin dheh
Ma ekayne saacaduhu ways kala maraayaane
Meelaha dharaartii badnaa ma'a taqaaniin dheh
Midkee curada meecaadda iyo gudinta meegaaran
Kobta qaalibkeedii ka maro maalintii axada
Masaar gaab hadaydaan ahayn ma'a taqaaniin dheh
Mushtarkii mariikhii haduu meelo ka khilaafo
Macnahay tarbiica u noqdeen ma'a taqaaniin dheh
Biyo aan waysa kuu gali karayn darabna maydhaynin
Manfacadana kuu karinaya oo lagama maarmaan ah
Gogobana markaa kaa ansixin ma'a taqaaniin dheh
Nin muslina asaan naagihii meher u haynaynin
Bal waxa mashaqadaa lahaa ma'a taqaaniin dheh
Hadaydaan masaladaa furayn maxabadaan sheegay
Imaqlooy fagaaraha muxuu uga madiixaayay.
Waxa tiriyay Abwaankii la odhan jiray Faarax Caytame
lamana hayo cid furtay gabaygaa
Halxidhaalaha labaad