JUXAA IYO SACIISI

Baribaa Waxaa jiray nin la oran jiray Juxaa wuxuu daganaa magaalo. Magaalada dadka dagan waxay u badnaayeen dad maal qabeena ah marka laga reebo isaga oo ahaa nin faqiir ah wuxuuna xoolo oodhan ka lahaa hal sac.

Juxaa ma uusan daryeeli jirin saciisa wuxuuna gurigiisa ka bixi jiray wakhti hore oo ay dadku hurdaan wuxuuna guriga kusoo laaban jiray marka ay qoraxdu dhacdo kadibna wuxuu maali jiray saca markaa kadibna hurdo ayuu isu diyaarin jiray.

Dadka magaalada dagan war uma ay haynin juxaa waxa uu qabto waayo subixii sida uu guriga uga boxo wuxuu kusoo laaban jiray marka ay qorraxdu dhacdo ee ay tahay maqribka.
Juxaa saciisa wuxuu soo daaqi jiray beeraha ay lahaayeen dadka hodanka ah ee magaalada daganaa Maalintii dambe ayaa dadkii waxa ay ka warheleen in uu juxaa siciisu daaqo beerohooda.
Maalintii dambe ayaa waxay dadkii go'aan ku gaareen in ay saca gawracaan
waxay ayna soo qabteen sicii isla markaana ay keeneen gurigii uu juxaa daganaa

Dhagta ayayna dhiiga u dareen sicii waxayna sugeen ilaa iyo inta uu ka imaanayo Juxaa sidii caadada u ahayd ayuu yimid gurigiisa amin makhrib ah waxa uuna arkay dad aad u farabadan oo gurigiisa jooga kadibna wuxuu indhaha ku dhuftay siciisii uu xoolo oodhan ka naxay oo dhagta dhiiga loo daray
hadaba wuxuu sameeyay isaga oo aan cidna la hadlin ayuu qaatay haragii saca
laga saaray oo yaalay meel markaas ayuu gurigii garab maray oo wadada cagta saaray dadkii si aad ah ayay u yaabeen waayo waxa ay ka filaayeen in uu waydiin doono sababta saca loo qalay balse lama uusan hadal

waxaa kasoo wareegtay mudo aad u dheer intuu juxaa ka maqnaa gurigiisa wuxuuna booqasho ugu tagay nin ay saaxiibo ahaayeen oo daganaa magaalo u dhawayd isla markaana ninkii ayaa si fiican usoo dhaweeyay oo hadiyadna siiyay midaas oo ka koobnayd dahab aad u tira badan

kadib juxaa wuxuu usoo amba baxay magaaladii uu daganaa markii uu magaaladii yimid dadkii ayaa waxa ay arkeen isaga oo wato dahab aad u tirabadan markaas ayay waydiiyeen meesha uu ka helay dahabkan uu sito wuxuuna ugu jawaabay waxaan kusoo iibsaday lacagtii aan ku gaday haragii sacayga aad qasheen
dadkii markii ay arintaa maqleen ayay ku dhaqaaqeen in ay gawracaan lo'doodii ay dhaqanaayeen si ay haraga dahab ugu soo iibsadaan balse markii ay safriyeen hargihii ma ayna helin cid ka iibsata waxayna soo noqdeen iyaga oo si aad ah ugu xanaaqsan juxaa go'aana ay ku gaareen in ay dili doonaan marka ay arkaan
ooOoo
waa socotaa !!!! 1