Nin waliba intuu cunuu ciidamiyaa
Nin ilaahle looma dar daar wariyo
Nin isfaanshay waa ri isnuugtay
Nin kusugay garkuu dhigay
Nin kusiiyay kuufaan
Nin salbeebay kaa qari
Nin kusiray waxkuu sheeg
Ninkii soojoog laga waayo soo jiifsaa laga helaa
Ninkii waalan walaalkii baa u miyir qaba
Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa
Doqoni hadal kama dammana
Doqoni xadhkaha lagu xidhxidhayay xusulada ku sidataa
Ballan darro waa diin darro
Hadal macaan gacan macaanbaa dhaanta
Nin yari intuu geed ka booduu tala ka boodaa.
war jiraaba cakaaruu imaan.
aqooni waynaan ma leh.
nin daad qaaday xumbo cuskay.
beentaada hore runtaada danbeey u darantahay.
Rag aamusay iyo riyo aamusayba reerkoodii gabe