Gabayo isku jir ah (YamYam & Dhoodaan)

Geelaa markuu dararan yahay labanin duugtaaye
Wax shisheeye kaasoo galaa gaajo bixin waaye
Harka galay hurdadu waa xuntehee hohey maxay seexshay
Ciradiyo jacaylkoo dhan baa waaca noo yimide
Sayid maxamed soo kama gil gilan xumihi loo gaysatay
Diintii islaamkiyo kufrigu daa'in kala roone
Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeene
Gar dariyaa maxaan hodan cabdaay kaaga go'i waayay
Hadii culimo maalkeed la dhoco magan ilaahay
Qab qabtaay dagaalki haduu qaayo leeyahaye
Nacaluhu kuwuu fuulay baad daba nashlaysaaye
Kicina mayso qoladii kuftoo waa kabdaha saare
Arday meel uun buu uga ekaan macalin kiisiiye
Hakaraama seeginaay habaar laygu kari waaye
Inaad cararto waxaa kaaga roon caawadaa dhimo e
Geesiga ilaahay ma xilo guulna waw halise
Cabashada ma fiicnee rag waa layska celiyaaye
Goodaado dhexe waa halkaan galabta joognaaye
Sidii baan minjaha ugu socdaa moodhar li'idiiye
Hindisuhu mar buu kaa ridaa hogobyo shaydaane
Golyaay markaan iri dadki inay gashaan sheegay
Daraawiishi kuuguma tagteen dooxa garasleeye
Feeraha markaan uga qablamay sidi libaax qoora
Hadii luqunta sare layna jaro lugaha mooyaane
Carsaanyada sideedii miyaan geeswalba u cararay
Bacdal qadada qaynuunka waa in aad qaxwaysaaye

1