Baribaa waxaa jiray nin aad u foolxumo badan magaciisana waxaa la odhan
jiray Qaaji, wuxuuna uuna ka shaqayn jiray makhaayad ay dadku ka cunteeyaan
maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa makhaayadii yimid laba nin ee reer miyi
ah markii ay fariisteen ayay Qaaji ka codsadeen in uu u keeno shaah
hase yeeshee Qaaji waa uu iska dhaga tiray labada nin ee reer miyiga ah
kadibna labadii nin mid kamid ah ayaa wuxuu kor ugu qalyay Qaaji isaga oo
ugu yeeraya War dulqaxwoow shaah nasii Qaaji se dheg uma uusan dhigin
qaylada labada nin ee reer miyiga ah wuxuuna iska sii watay shaqadiisii
uu hayay kadibna labadii nin waa ay xanaaqeen mid kamid ah ayaa wuxuu
soo qaatay dhagax markaas ayuu ku dhuftay qaaji oo sii jeeda
markaas ayuu Qaaji aad u qaylyay isaga oo oranaya aaa aaa waryaa dhagaxa igu
dhuftay markaas ayay labadii nin ee reer miyiga ahaa ku yiraahdeen war anagaa
dhagaxa kugu dhufanaye shaah noo keen.
Qaaji waxa uu markiiba shaahii u keenay labadii nin markii ay shaahii cabeen
ayuu Qaaji soo qaatay laba dhagax markaas ayuu labadii nin oo sii jeeda
madaxa kaga dhuftay kadibna labadii nin ayaa aad u qaylyay iyagoo oranaya
aaa aaa aa waryaa dhagaxa nagu dhuftay Qaaji oo ah ninka dhagaxa ku dhuftay
ayaa wuxuu ugu jawaabay waa aniga oo lacagtii doonaya!!!!!!!!!!!!!