Billaw gabay Ba kalarogan maanso baabka loo furay
Hirarka isbarkay iyo mawjado isbuurtiyo Garaaraha hiyaha iyo
Meelaha baanoo badu ku xaragootiyo iftiin baxay ma moodaa
Geenyadi bureeqoo baroorkeeda midabka ah heensa quruxda bila iyo
Shucub baala dahabliyo burcad lagu hagoogoo meel baratan yaaliyo
Fagaaraha lakala boxo lagusoo bandhigayoo Baab cusub ma moodaa
Waagoo baryaayiyo habeenkoo baraarugay bidhaantiisa uguboo
Intay baraxday sagalkii Sababkii biyaha siday baalka u mariintoon
Isbadalin ma moodaa
Guga oo barqadayoo Baliyada xarfanayiyo Baadkiyo caleemuhu isku baaqayaanoo
Hadba laama faraq badan Naacaw katimid bari la bardoodiyaysiyo
Kayn baxaday ma moodaa
Ubax wada bislaadoo beer cosoba ku yaaloo inta baarka loo simay isbadalida
Midabyada isha baaqa jecel lihi baalka isu diidoo daruuraha xab bururshiyo
Xiliyada aan baaqani iyo cid barqaday ma moodaa
Cidla lagama baanoo ruuxaanad wali baran buuni laguba sheegee ala bilic
Haldhaaleey curdan weeye soo baxay waa naag xishood badan
Waa ugub bil dhalatiyo wali xabag barsha ahoo bareeraha sidaan qabo
Maskax baaxad wayn lihi garasho uga buuxdaa.
Markay haybad badaneey dharka quruxda bila iyo xaragada u baydhee
Inta baahda fidisee kala bixisa laafyaha afarqaadle boodiyo bog intii ku
Socotiyo baadlaha dabaashiyo shimbiruhu ma buubaan
Isha waxa ka bogan kara ma naxaan birlab ahoo
waxaan ka xumahay in aanan haynin inta ka dhiman Jiiftada
ee hadii aad haysaan iisoo gdbiya si aan ugu daro